Kulanka ayaaahaa mid diiradda lagu saaray danaha wadaagga ah iyo dardar-gelinta mashaariicdib u dhis oo laga fuliyo dalka Soomaaliya .
Kulankani ooku dhammaaday jawi isfaham leh , ayaa waxaa goob joog ka ahaa lataliyeyaal ka tirsan Xafiiska Wasiirka iyo diblomaasiyiinka howlgala Safaaradda China ee ee Caasimadda Muqdisho.
Waxaa xusid mudan , in Soomaaliyaxiriir saaxiibtinimo oo aad u qoto-dheer ay la leedahay Xukuumadda iyo ShacabkaChina oo soo taxanaa muddo hadda laga joogo 600 sano , iyadoo Culimada iyoGanacsatada China ay booqdeen deegaano kala duwan oo dalka Soomaaliya sanadkii1420-kii (Miilaadiyah) si isdhaafsi ganacsi ,dhaqan iyo dhaqaale ula wadaagaandadka Soomaaliyeed.
Dowladda China ayaa aqoonsatayqaranimada iyo gobonimada Jamhuuriyadda Soomaaliya 14 –kii bishii Decembersanadkii 1960 –kii , taa badalkeeda Dowladda Soomaaliya waxa ay hormuud u aheyd, olole hogaamineed u noqotay dowladihii u codeeyay in dowladda China ay xubinbuuxa oo joogta ah ka noqoto Golaha ammaanka, taasoo u suura-gelisay XukuumaddaBeijing inay yeelato awoodda codka qayaxan ee diidmada.
XafiiskaQeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Pressand Public Relations
Follow us onTwitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia